Allbanaadir.com
NEWS

Howlgal laga sameeyay Xeebta Liido iyo ciidamada oo galay hoteelo iyo maqaayado

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa xalay howlgalo gaar ah ka sameeyay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, gaar ahaan maqaayado iyo hoteelo kuyaalla xeebtaasi ay isugu tagaan dhallinyarada.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ayaa galay gudaha hoteelo iyo maqaayado kuyaalla xeebta Liido, waxa ayna halkaasi ka fulinayeen howlgal ay kula dagaallamayeen isticmaalka waxyaabaha maanka-dooriya.

Howlgalka ciidamada sameeyeen ayaa waxaa qeyb ka ahaa saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir, kuwaa oo sheegay in aysan marnaba raali ka noqon doonin isticmaalka maan-dooriyaal nuuc kasta ha ahaadeene.

Ciidamada ayaana intii uu howlgalka socday qab qabtay dhallinyaro isugu jiray wiilal iyo gabdho, kuwaa oo la sheegay in lagu qabtay isticmaalka maan-dooriyaha , waxa ayna ciidamada xalay xireen goobo lagu isticmaalayay maan-dooriyaha.

Xeebta Liido maqaayado iyo hoteelo kuyaalla ayaa la sheegay in lagu isticmaalo maan-mdooriyaha, waxaa sidoo kale goobahaasi taga kuna caweeya dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Koongareeska Mareykanka oo heshiis KMG ah ka gaaray arrin muhiim ah

Cabdi Cade

Xaalada adag oo heysata Shaqaalaha iyo ciidamada Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Ciidamada Dawladda Somalia oo degaano cusub kala wareegay Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---