Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda DP World oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray dowlada federaalka Somalia

Shirkadda DP World ayaa ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in heshiiskii Dekeda Berbera uu ahaa mid sharci darro ah oo lidi ku ah qaranimada Somalia.

Suldaan Axmed Bin Suleymaan oo ah Agaasimaha shirkadaas ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dowlad madax banaan, hadalka dowlada federaalkana uusan waxba quseyn.

“Hadalka dowladda federaalka maaha mid na quseeya, Somaliland waa dowlad madax banaan, waa meel xasilooni iyo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha Baarlamanka Somaliland, ma awoodo Xukuumadda Federaalka iney wax ka bedesho heshiiskan, hadalo la jeediyeyna u joojineyno howsheena” ayuu yiri Agaasimaha DP World.

Masuuliyiinta dowladda Federaalka Somalia ayaa ka soo horjeesatay heshiiska Dekeda Berbera, iyagoo ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo aan waxba ka jirin, iyadoo ku goodisay iney talaabo sharci ah ka qaadi doonto shirkadaha maalgeshiga aan soo marin heyadaha dastuuriga ee dowlada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

 

 

Related posts

Ololaha ciribtirka gudniinka ee (Gacalo gabadheyda) oo laga daahfuray Baydhabo

Caydiid Ali

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Muxuu Farmaajo ka yiri doorashadii looga guuleystay ee ka dhacday Muqdisho?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---