Ololaha ciribtirka gudniinka ee (Gacalo gabadheyda) oo laga daahfuray Baydhabo

Heyadda IFRAH Foundation oo kaashaneysa Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Maamulka K/Galbeed iyo Heyadda UNFPA ayaa ka daahfurtay maanta Magaalada Baydhabo Barnaamijka ololaha ka hortaga iyo ciribtirka gudniinka gabdhaha.

Barnaamijkan oo loo bixiyey (Gacalo gabadheyda) ayaa munaasibadii furitaanka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka K/Galbeed, qaar ka mid ah xildhibaanada dooran ee golaha shacabka Somalia, ururada haweenka, Culumaa’udiin iyo qeybaha bulshada magaalada Baydhabo.

Waxaa kulankaas ka hadlay qaar ka mid ah xubnihii lagu casuumay Munaasabadaas oo isugu jiray haween, odayaal dhaqameedyo iyo culimaaudiin, iyagoo ka waramay dhibaatooyinka uu gudniinka fircooniga ah u leeyahay haweenka iyo baahida loo qabo in bulshada laga wacyigeliyo si loo ciribtiro.

Agaasimaha Heyadda IFRAH Foundation Ifraax Macalin Axmed ayaa sheegtay in fekerka ololahan Gacalo gabadheydii uu ku dhashay markii ay aragtay dhibaatooyinka sii socda ee haweenku ku hayo gudniinka iyo baahida ka jirta in la xoojiyo wacyi gelinta arrintaas la xiriirta, waxayna ugu baaqday qoysaska Soomaaliyeed iney gabdhahooda ka ilaaliyaan gudniinka oo ay xustay iney ka dhashaan dhibaatooyin badan oo saameyn adag ku yeesha nolosha gabdhaha.

Wasiirka Haweenka, arrimaha qoyska iyo Xuquuqul insaanka ee dowlad goboleedka K/Galbeed Fahiimo Cusman Cumar ayaa iyana munaasabada ka sheegtay muhimada ay leedahay in bulshada laga wacyigeliyo joojinta gudniinka gabdhaha si looga hortago dhibaatooyinka ka dhasha.

“Wasaaradeydu waxay u taagan tahay Wax ka qabashada dhibaatooyinka heysta haweenka oo gudniinku ka mid yahay, waxaan u mahad celinayaa heyadda Ifraax IFRAH Foundation oo soo qabanqaabisay ololahan bulshada looga wacyiglinaayo gudniinka gabdhaha” ayey tiri Wasiirada.

Heyadda Ifraax IFRAH Foundation oo ah heyad u dhaqdhaqaaqda Xuquuqda haweenka iyo ka hortaga gudniinka gabdhaha ayaa horey ololaha (Gacalo gabadheyda) uga daahfurtay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, iyadoo Baydhabo ay noqotay magaaladii 3aad ee ololahan laga hirgeliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -