Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo iyo faahfaahino ka soo baxaya

Dagaal geystay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay saaka wadada xiriirisa Magaalada Kismaayo iyo degaanka Cabdalla Biroole, kaasoo dhexmaray Ciidamada Daraawiishta  Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Sida ay wararku nagu soo gaarayaan dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada Jubbaland oo howlgal amni ka waday wadada u dhaxeysa degaanka  Cabdalla Biroole iyo magaalada Kismaayo ay weerar kala kulmeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hub kala nooc ah.

Dadka degaanka lagu dagaalamay ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada weerarkaas oo ay sheegeen iney ku dileen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland qaar kalena ku dhaawaceen, Dhinaca Jubbaland weli wax war ah kama soo saarin dagaalkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tanziil Quran Online oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta Soomaliyeed

Cabdi Cade

RW Rooble oo ka hadlay deynta Maraykanku ka cafiyey dowlada Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay degaanka Bacaadweyn

Caydiid Ali
Taboola Ads ---