Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo shaaciyay Sababihii maalmahan u xirnaayeen Wadooyinka Muqdisho

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa xirnaa qaar kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana arintaasi dhibaato kala kulmay shacabka oo garan waayay sababaha wadooyinka looga xiray.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo caawa Warbaahinta Shir jaraa’id u qabtay ayaa ka hadlay sababihii loo xiray qaar kamid ah Wadooyinka Muqdisho.

Waxa uu Gudoomiyaha gobolka ka raali galiyay shacabka Muqdisho maalmihii koobnaa ee la xiray Wadooyinka qaar, waxa uuna sheegay in ciidamada amaanka ka hortageen falal amaan daro oo dhibaato ku keeni karay shacabka Muqdisho.

“Shacabka ku nool Caasimadda waxaan uga cudur-daaranaynaa maalmihii koobnaa ee sababo la xiriira amniga u xirnaayeen qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, “Waqtigii ay xirnaayeen waddooyinku waxaa laga hortagay falal abaabulan oo kooxaha argagixisadu la doonayeen shacabkeena, sugitaanka amnigu waa masuuliyad weyn oo lagu bad-baadinayo nafta iyo maalka bulshadeenna” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa malamihii lasoo dhaafay xireen ciidamada amaanka, waxaana dadka ku adkeyd in gaadiid ugu kala gudbaan qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Related posts

Caado dhaqameedka shirta oo lagu qabtay degmada X/weyne ee gobolka Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Kulan ay isugu yimaadeen Gudiga Farsamada Arimaha Bulshada ee Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho

admin

Toogasho dhimasho & dhaawac geysatay oo ka dhacday Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---