Abiy Axmed oo dhax dhaxaadinaya Milatariga Sudan iyo Isbaheysiga Mucaaradka

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa magaalada Khartuun ee caasimada dalka Sudan u tagaya dhax dhaxaadinta milatariga la wareegay Xukunka dalka Sudan iyo Isbaheysiga Mucaaradka ee isbadal doonka ah.

Wakaalada Wararka ee Reuters oo soo xigasaneysay ilo wareedyo ayaa ku warantay in Abiy Axmed ka shaqeenayo in uu isku soo dhaweeyo Hogaanka Milatariga Sudan iyo kooxaha Mucaaradka ee dhigaya banaan baxyada.

Xaalada Siyaasadeed ee dalka Sudan ayaa sii xumaatay kadib markii milatariga dalkaasi awood u adeegsadeen in ay kala eryaan banaan baxayaashii hor dhoobnaa xarunta Wasaarada gaashaandhiga dalka Sudan.

Milatariga Sudan ayaa in ka badan 100- dibad baxayaal ah ku dilay rabshadihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Khartuum ,waxaana Milatariga talaabooyinka ay qaadeen kala kulmeen cambaareyn badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -