Muuse Biixi oo la kulmay safiirada dalalka Midowga Yurub u fadhiya Somalia (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaaran oo ka kooban safiirrada Somalia u fadhiya dalalka dalalka Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, UK iyo Midawga Yurub.

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana lagaga wada hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Prof. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu kulanku ahaa mid isfahan iyo afkaar isweydaarsi salka ku hayey, dhammaanba wixii la isla soo qaadayna meel fiican la isla dhigay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, “Wefdigu waxa ay u yimaaddeen inaannu is weydaarsanno afkaar ku saabsan arrimaha badan ee mandaqadda ka jira iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalalkaasi ay leeyihiin sidii hore loogu marin lahaa, la isu xog-ogaalsan lahaa, la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah iyo wixii afkaar ah ee loo baahan yahay in laga wada-hadlo, haddii ay siyaasad tahay, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay gargaar tahay iyo haddii ay nabadgelyo tahayba, dhinac walba waa laga wada-hadlay si wanaagsanna waa la isugu afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay.”

Ambassador mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa hoosta ka xarriiqday inay wefti ahaan kulan miro-dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda.

Sidoo kale, waxa ay safiirku sheegtay in waxyaabihii kulanka diiradda ku saareen ay kamid ahaayeen xaaladda bani’aadamnimo ee ay sababeen abaaraha ka jira gobollo kamid ah dalka Somaliland ka taagan iyo barnaamijyada dhinaca horumarka ee dalalka reer yurub ka wadaan dalka Somaliland.

Xubnaha weftigu waxay kala ahaayeen: Safiirka Denmark, Amb. Mette Knudsen, Safiirka midawga yurub Pencho Garrido Ruiz, Safiirka dalka Ingiriiska Amb. Ben Fender, Safiirka Dalka Sweden, Amb. Andreas Von Uexkull, , safiirka Dalka Norway, Amb. Elin Bergithe Rognilie oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday safaaradaha dalalkaas iyo madax sare oo iyagu ka socday dalalka Finland iyo Switzerland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -