Ma’suul ka tirsanaa Villa Somalia oo dalka ka baxsaday & Sababta ka dambeysa

Agaasimihii Hab-maamuuska Madaxweynaha Saciid Maxamed Warsame (Saciid Kampala) ayaa la sheegay inuu ka baxsaday dalka kaddib markii Maxkamad looga yeeray sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in arintan ay timid ka dib markii Saciid Kampala uu ku lug yeeshay Kiis dacwad guri oo dhowaan ka dhacay degmada Xamar Weyne, kaasoo Maxkamad ay u xukuntay dad gurigooda lagu qabsaday oo la doonayey in si sharci daro ah looga boobo.

Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada oo taageero siinaya dad ay ehelo yihiin oo dacwada  looga guuleystay ayaa weeraray guriga Maxkamadda ay u xukuntay dadkii lahaa isagoo adeegsanaya Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, iyagoo markii dambena hubka ka dhigay xabsigana u taxaabay ciidamo boolis ah oo arintaas soo fara geliyey.

Waxaa talaabadaas si weyn uga carooday Taliska Booliska Gobolka Banaadir taasoo keentay iney dacwad ka dhan ah Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada u gudbiyaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Xeer Ilaalinta Maxkamada ayaa dacwadaas ka dib qoraal gaarsiisay Agaasimaha Madaxtooyada, kuna wargelisay iney dacwad ka taalo Agaasimaha Hab Maamuuska Madaxtooyada, lana doonayo inuu Maxkamadda ku hor-yimaado 11-ka bishan oo maanta ku beegneyd hase ahaatee Saciid Kambala ayaa shalay ka dhoofay dalka isagoo u baxsaday dalka Turkiga ka dib markii uu ogaaday ciqaab adag iney ka dhalan karto falka uu ku kacay.

Gaadiidka uu isticmaalayey ayaa waxaa dib ula wareegtay Madaxtooyada, iyadoo la baabi’iyey aqoonsigiiisii shaqo sida ay sheegayaan wararka laga helayo Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -