Shirweynaha Xisbiga Soomaalida Itoobiya oo Jigjiga ka furmay (Daawo Sawirro)

Xarunta madaxtooyada Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka furmay maanta shirwaynihii 10aad ee Xisbiga Dimoqraadiga shacabka Soomaalida Itoobiya oo ay ka soo qaybgaleen ergooyin gaaraya 3,000 oo ka socda degmooyinka, maamul magaalooyinka iyo gobolada degaanka iyo martisharaf kala duwan.

Gudoomiyaha Xisbiga ahna Wasiirka Maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee dowlada Itoobiya Ahmed Shide ayaa si rasmiya u furay shirkan wuxuuna sheegay in shirwaynahani yahay mid si wayn loogu diyaar garoobay isla markaana ay madashan ku sugan yihiin xubnaha xisbiga, kuwa bahwadaagta la ah iyo marti sharaf kale, ujeedada loo fadhiyaana tahay sidii shirkan loogu soo dhisi lahaa hogaamin xisbi oo leh bisayl siyaasadeed karti, aqoon waayo aragnimo oo la tartami kara hogaaminta xisbiyada dalka.

Waxaa kale oo ka hadlay furitaankii shirkan madaxa xarunta dhexe ee xisbiga EPRDF ee haya talada dalka Itoobiya binu’alaf Andhulam oo u hambalyeeyay xubnaha ka qeyb galaya  shiraynahan 10aad ee XDSHSI ee maanta furmay oo ka warbixiyay dadaalka ay hogaaminta xisbigu u gashay sidii shacabka degaanka looga samata bixinayo dhibaatooyinkii nololeed, nabadgalyo iyo horumar ee hore uga jirtay deegaanka.

waxaa kale oo ka hadlay goob joogayaasha ka socday Ururada kale ee deegaanada dalka iyo wadamada dariska sida Wadanka jabuuti iyo Maamulka Somaliland kuwaasoo sheegay inay aad u soo dhawaynayaan kuna faraxsan yihiin furitaanka shirwaynahan 10aad ee XDSHSI hambalyana uga wadaan ururada ay ka socdaan.

Dhinaca kale waxaa maanta waxaa la soo jeediyay warbixinta waxqabadkii guddiga qaban qaabada shirwaynaha 10aad ee XDSHSI oo ku sar’go’nayd fulinta qorsha hawleedkii loogu diyaar garoobayay qabsoomida shirwaynaha 10aad ee XDSHSI.

Ergooyinka shirwaynaha XDSHSI ayaa doortay shirgudoonka shirwaynaha 10aad ee XDSHSI, Waxayna u doorteen ergooyinku inay shir gudoomiyaan shirkan xubnahan Ahmed Shide, Mustafe Muxumed cumar. (Cagjar) iyo Aadan faarax.

Waxaa kale oo la soo jeediyay anjandayaasha shirwaynahan oo ay ka mid yihiin;- ansaxinta Warbixinta waxqabadka Xisbiga labadii sano iyo barkii la soo dhaafay, ansaxinta warbixinta waxqabadka gudiga dabagalka iyo baarista, ansaxinta wax ka badalka barnaamijka siyaasadeed ee Xisbiga, ansaxinta wax ka badalka xeer hoosaadka Xisbiga, doorashada iyo ansaxinta xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga, doorashada iyo ansaxinta gudiga dabagalka iyo baarista.

Shirkan ayaa sii socondoona maalama soo socda iyada oo la filayo dood ka dib in lagu ansaxindoono ajandayaasha shirwaynahan 10aad ee XDSHSI.

Shirkan waa kii ugu horreeyay ee la qabto tan iyo markii xilka Madaxweynaha laga qaaday Cabdi Maxamuud Cumar oo isku ahaa Guddoomiyaha Xisbiga iyo Madaxweynaha Dowlad degaanka.

Magaca Xisbiga ayaa la filayaa in wax laga bedelo, iyadoo laga reebayo magaca Itoobiya sida ay sheegayaan xubno aad ugu dhow shirweynahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -