Dowlado ka tirsan Yurub oo aqoonsaday Baasaboorka Soomaaliga

Wadamada Belgium iyo Luxembourg ayaa si rasmi ah u aqoonsadey baasaboorka Soomaaliga ah gaar ahaan baasaboorada dublamaasiga iyo kan shaqada.

Labadan dal ayaa ka mid ah kuwa ugu muhiimsan qaarada Yurub ee ay ku yaalaan xarumaha heyadaha caalamiga ah sida xarunta midowga Yurub ee Brusells iyo heyaddo kale.

Sidoo kale dalalkan ayaa waxaa ku nool Soomaali badan oo xiliyo kala duwan halkaas tegay kuwaasoo dhibaatoo ku qaba arrimaha socdaalka iyo baasaboorka.

Talaabadan ayaa timid ka dib dedaal ay muujiyeen madaxda sare ee heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Somalia, kuwaasoo horey ugu guuleystay iney dowlado kale oo ka tirsan Yurub ku qanciyaan aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -