Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashooyinka oo amar lagu siiyay in ay si deg deg ah Muqdisho u yimaadaan

Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amray xubnaha guddiga doorashooyinka Heer federaal iyo heer dowlad goboleed in ay si deg deg ah kusoo gaaraan magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha  Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa ugu baaqay xubnaha guddiga doorashooyinka in ugu dambeyn yimaadaan Khmaiista Muqdisho si tababar loo siiyo iskana dhax doortaan hogaan.

Waxa uu sheegay Cabdulqaadir Cilmi in guddiyada doorashooyinka marka ay qaataan tababarka ay aadi doonaan deegaan doorashooyinka loo xil saaray si ay u guda galaan shaqadii loo xil saaray .

Tababarka la siinayo xubnaha guddiga farsamada iyo xalinta khilaafadaka doorashooyinka ayaa furmi doono 27 bishan, waxaana  guddiyadan la bari doonaa qabsoomida doorshooyinka heer federal iyo heer maamul goboleed, iyadoo lagu diyaarin doono qorshe hawl fulinta doorashooyinka iyo jadwalka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Bl2BSQeF2nI

Related posts

Xamaas iyo Israaiil oo is dhaafsaday Maxaabiistii ugu horeysay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo shaacisay Natiijada Imtixaanka dugsiyada Sare

Caydiid Ali

Siyaasi Soomaaliyeed oo soo bandhigay Fashilka Ciidamada Afganistan soona saaray Digniin

Cabdi Cade
Taboola Ads ---