Madaxda Maamul goboleedyada oo galabta Nasiino u tagay Goobweyn (Daawo Sawirada)

Madaxda maamul goboleedyada oo maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa galabta nasiino iyo damaashaad waxa ay u tageen Deegaanka Goobweyn oo kuyaala duleedka Kismaayo.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee martida loo yahay ayaa horkacayay Madaxda kale ee maanta nasiinada u tagtay deegaanka Goobweyn, waxa ayna Madaxdan deegaankaasi kusoo qaateen saacado nasiino ah.

Magaalada Kismaayo waxaa wali ka socda shir ay leeyihiin Madaxda maamul goboleedyada ee ku mideesan Golaha Iskaashiga, waxaana wararka la helayo sheegayaan in wali shirka uu socdo ayna jiraan qodobo la isku mari laā€™ yahay.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa shir ay uga tashanayaan aayahooda iyo khilaafka kala dhaxeeya Dowlada Federaalka, waxaana la filayaa in gabo gabada shirka laga soo saaro War Murtiyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -