Xil ka Qaadis lagu sameeyay Wasiiro iyo Agaasimayaal Musuq maasuq loo heesto (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Xilka looga qaaday Wasiiro iyo Agaainayaal katirsanaa maamulkiia, kuwaa oo qaarkood oo loo heesto falal la xariira Musuq Maasuqa.

Wasiirada Xil ka qaadista lagu sameeyay waxaa kamid ah  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo) Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ,Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka .

Wareegtada ayaa sidoo kale xilalka looga qaaday Agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo katirsanaa maamulka Somaliland, waxaana xusid mudan in Wasiirada maanta xilka laga qaaday Xafiiska Hanti Dhowrka Somaliland uu kusoo eedeeyay Musuq maasuq.

Halkan ka Akhriso Digreetada

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda

Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga

Ku: Maxamed Muuse Abees
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen

Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud

Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed
Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga

Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid
Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -