Siyaasiyad Mucaarad ah oo kufsi iyo dil la isugu daray & argagax ka dhashay

Haweeney Siyaasi aheyd ka tirsan mucaaradka dalka Burundi ayaa loo geestay kufsi iyo dil aad looga argagaxy sida ay ku warameen saraakiil katirsan booliiska dalka Burundi.

Marie Claire Niyongere oo aheyd ku-xigeenkii garabka haweenka ee xisbiga mucaaradka ah ee magaciisa loo soo gaabiyo CNL, ayaa meydkeeda laga helay meel keeyn ah oo kufsi iyo dil loogu geestay.

Afahayeen u hadlay xisbiga CNL oo lagu magacaabo, Terence Manirambona ayaa Warbaahinta u sheegay in haweeneydan katirsaneyd xisbigooda si argagax loo dilay sidoo kale kufsi loo geestay.

Dilkan waxaa si kulul u cambaareeyay xisbiga mucaaradka ee CNL, waxa aybna xisbigan ugu baaqeen in falkan baaritaan lagu sameeyo cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay.

Ciidamada booliiska ayaa baadi goob ugu jira nin lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka iyo kufsiga loo geestay siyaasiyadan katirsan mucaaradka dalka Burundi, lamana oga ilaa hada sababta keentay dilka haweeneydan loo geestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -