Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Nin isku dilay Afaafka hore ee Aqalka Cad iyo kala orod halkaasi ka dhacay

Nin aan wali heybtiisa la aqoonsan ayaa saacado kahor isku hor dilay afaafka hore Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Mareykanka, waxaana dhacdadan aad ula yaaban dadka kunool dalka Mareykanka.

Sida ay Warbaahinta dalkaasi baahiyeen nin hubeesan ayaa kusoo dhawaaday xarunta aqalka Cad , waxa uuna ninkaasi markii dambe lasoo baxay qoray uu watay isagoona madaxa dhoor xabadood isaga dhuftay.

Dad badan oo ku sugnaa meel ku dhaw halka ninkan hubeesan isku toogatay ayaa bilaabay in a kala cararaan , waxaana goobtaasi si deg deg ah usoo gaaray ciidamada ilaalada Aqalka cad iyo kuwa dambi baarista.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in ay aqalka Cad ka maqnaayeen xiliga uu ninkan is dilayay, waxa ayna nasiino xiligaasi u jireen goobta lagu magacaabo Mar-a-Lago Florida.

Ciidamada FBI-da dalka Mareykanka ayaa baaritaan kuwada dhacdadan ka dhacday afaafka hore ee Aqalka cad, waxaana wali la garan la yahay sababta uu ninkaan isugu toogtay meel ku dhaw xarunta looga arimiyo dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ciidan ka soo goostay Puntland oo lagu soo bandhigay Laas-caanood

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo la kulmay Rooble, una gudbiyey liiska xubnaha..(Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee RW Khayre loogu soo dhoweeyey Kismaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---