Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dacwad la xiriirta dayuuradii burburtay oo lagu soo oogay shirkadda Boeing

Qoys uu nin kaga dhintay dayuuraddii Itoobiya ee burburtay bishan horraanteedii ayaa Dacwad ka dhan ah shirkadda diyaaradaha samaysa ee Boeing geeyay maxkamad faderaal ah oo Maraykanka ku taalla.

Ehelka Jackson Musoni oo ahaa muwaadin reer Rwanda ah oo diyaaradda ku dhintay ayaa diyaaradda Boeing 737 Max ku eedeeyay in ay cilad leedahay.

Dhammaan dayuuradaha noocoodu yahay Boeing 737 Max ayaa laga joojiyay inay duulaan ka dib markii ay burbureen labo diyaaradood oo noocaas ah muddo shan bilood gudahood ah.

Boeing ayaan wali ka jawaabin dacwada lagu soo oogay balse shirkadan ayaa Arbacadii shaacisay inay cilad bixisay qaybtii lala xiriiriyay burburka labada diyaaradood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble: “Caawa waa habeen taariikhi ah oo in muddo ah ay sugayeen umadda Soomaaliyed”

Caydiid Ali

Libaaxyo Sabab u noqday in hal mar dhintaan Boqolaal lo’ gissi ah !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Gaari Rakaab ah oo lagu qarxiyay Duleedka Balcad iyo dad badan oo ku dhamaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---