Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Diiwaangelinta ciidamada oo ka socota Muqdisho & Wasiir Bayle oo kormeeray (Sawirro)

Howlaha lagu diiwaangelinayo ciidamada dowlada qeybahooda kala duwan ayaa ka socota magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda Somalia ayaa sheegay in shaqaalaha Wasaaradiisa aysan xitaa nasasho aadin  maanta oo jimce ah ayna sii wadaan diiwaan gelinta ciidamada.

Wasiir Bayle ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraalkan”

Maanta mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxay ay sii wadeen diiwaangelinta xubno ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed magaalada Muqdisho.

Dib-u-habeynta waaxda amniga ayaa ah muhiimadda ugu weyn ee lagu gaari karo hadafkeena Qaran iyo mustaqbalkeena si aan ugu adeegno dalkeenna.

Hannaanka diiwaangelinta ciidamada qalabka sida waa dadaal wadajir ah oo ay hogaaminayaan wasaarado kala duwan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaarada. Si wadajir ah, waa innaa ugu adeegaanaa dadkeena.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Caafimaadka DF oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyey ee COVID-19

Caydiid Ali

Erdogan: ” Waa in Maxkamada dembiyada ee ICC la horkeenaa Netanyahu”

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo maanta dhagax dhigay Xarunta Gurmadka Qaranka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---