Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble: “Caawa waa habeen taariikhi ah oo in muddo ah ay sugayeen umadda Soomaaliyed”

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray gudoomiyaha cusub ee golaha shacabka Somalia Shiikh aadan Madoobe oo caawa loo doortay xilkaas.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU SOO SAARAY ROOBLE

Waxaan hambalyo iyo bogaadin diiran u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo caawa lagu doortay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Caawa waa habeen taariikhi ah oo umadda Soomaaliyeed sugayeen in muddo ah  qeyb muhiim ahna ka ah dhammeystirka geeddi-socodka doorashada dalka.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka  waxaan u rajeynayaa in uu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee loo doortay iyo in doorashada madaxweynaha dalka u maareeyaan si daah-furan, deg deg ah oo nabdoon, mas’uuliyaddaas oo ay la wadaaagaan guddoonka Aqalka Sare oo isagana la doortay.

Waxaa mahad leh Allaha weyn oo noo suurto-geliyay in howlshii adkeyd ee doorashadu soo gaartay heerkan gabo-gabada ah . Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa guddoonkii KMG ahaa ee labada aqal, guddiyadii doorashada heerar-kooda kala duwan, ciidamada ammaanka Dalka  iyo kuwa ATMIS, dowlad-goboleedyada dalka, beesha caalamka, shacabka Soomaaliyeed ee dulqaadka iyo taageerada nala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd guushan la gaaray.

Related posts

Shacabka Muqdisho oo ka dhursugaya Balan qaadkii Wasiirka Amniga Soomaaliya !!!

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan xariga uu qoorta isaga xiray, inta uusan isku marjin, yaa ka furaya?

Cabdi Cade

DF oo wada dhismaha dowlad goboleed cusub & Farmaajo oo cadaadis wajahaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---