Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo shaqada ka joojiyey shaqaale bixiyey shati ganacsi oo been abuur ah

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shaqada ka joojiyey mid ka mid ah shaqaalaha Gobolka ayaa sheegay in sharciga la hor geyn doono qof kasta oo ku lug yeesha sameynta dukumiintiyada ganacsi ee been abuurka ah.

Guddoomiyaha ayaa faray Ciidanka Ilaalada deegaanka Xamar iyo qeybta Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka in ay soo xiraan xarumaha ganacsi ee lagu howl geliyey shatiyada been abuurka ah, iyadoo uu ku amray in ay la socdaan xarumahaas. Sidoo kale Madbacadii sameysey tiimbaraha been abuurka ah iyadana waxaa laga hakiyey shaqada inta baaristu ku socoto.

“Waxaan kula dardaarmayaa ganacsatada Gobolka in ay hubiyaan sharciyada ganacsi ee ay heystaan, sababtoo ah shatiyada been abuurka ah waa dambi weyn qofkii lagu qabtana uu ku muteysanayo ciqaab iyo ganaax aad u adag.” Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Benaadir.

Eng. Yarisow ayaa ugu baaqay ganacsatada aan heysan shatiyada in ay si deg deg u sameystaan, maadama Maamulka Gobolku ay si adag uga hortagi doonaan gobaha ganacsi ee sida sharci darrada ah loo furtay.

Guddoomiyaha ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Maxkamadaha Garsoorka si deg deg ah loo herkeeno eedaysanaha shatiga been abuurka ah sameeyey iyo cid kasta oo kala qeyb qaadatay fal danbiyeedkaas, taas oo horseedaysa in guul laga gaaro qorshaha Maamulka Gobolka Benaadir ee ka dhanka ah musuq maasuqa iyo wax is dabamarinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Ciidanka Xoogga dalka oo ka hor tagay gaari qaraxyo laga soo buuxiyey

Caydiid Ali

Taliyaha Booliska oo sharaxay ujeedka uu ka lahaa hadal laga duubay oo muran dhaliyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan & dhigiisa Putin oo kulan xasaasi ah ka yeelanaya xalinta dagaalka Idlib

Caydiid Ali
Taboola Ads ---