Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliyaha Booliska oo sharaxay ujeedka uu ka lahaa hadal laga duubay oo muran dhaliyey

Taliyaha Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Xijaar ayaa sharaxaad ka bixiyey hadal muran dhaliyey oo laga duubay xili uu garab taagnaa Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shir jaraaid ku qabanayey Ex-kontrol Afgooye oo maanta uu ka dhacay qarax khasaare badan geystay.

Taliye Xijaar ayey kaamiradu qabatay isagoo gudoomiyaha gobolka hoos ugu sheegaya inuu qariyo khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca, waxaana muuqaalkaas oo muran badan dhaliyey uu si weyn u qabsaday baraha bulshada, iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku eedeeyeen dowlada iney qarineyso khasaaraha qaraxa.

Taliyaha ayaa sheegay in arrinkaas uu ula jeeday oo kaliya inaan la fududaan oo la hubiyo khasaaraha ka dhashay qaraxa, maadaama ay xili hore aheyd tirakoob rasmi ahna aan la heynin si buu yiri shacabka loogu gudbiyo warbixin dhameystiran oo sax ah.

Isagoo ka hadlayey qaraxa iyo khasaaraha ka dhashay ayuu sheegay iney xaqiijiyeen dhimashada 79 ruux iyo dhaawac ka badan 100 qof, isgoo u tacsiyeeyey ehelada dadkii dhintay ku dhaawacmayna u rajeeyey inuu Alle u boogga dhayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Qoor-qoor & Danjire Nicolas Barlenge?

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed oo booqday Madxafka caanka ah ee Shaoshan Mao Zedong (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wefdi uu hogaaminayo oo dalka Dibadiisa u ambo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---