Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo si adag uga jawaabtay hadalkii Ra’isul Wasaare Kheyre

Maamulka Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay go’aankii dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga soo horjeestay heshiiskii Dekadda Berbera ee lagu gaaray dalka Imaaraatka Carabta.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/llaahi Faarax oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya aysan xaq u laheyn in ay ka hadasho heshiiska lagu gaaray Imaaraatka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in Somaliland ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-dii xaqna u leedahay in heshiis la gasho cidii ay doonto, waxa uu cadeeyay in dastuurkooda dhigayo in ay heshiis la gali karaan cidii ay dani ugu jirto.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Heshiiska Sadex geesoodka ah ee lagu saxiixay dalka Imaaraatka Carabta uusan aheyn mid cusub oo hada la gaaray balse uu yahay heshiis dhameestir ah .

C/raxmaan C/llaahi Faarax ayaa sheegay in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre looga baahan yahay in uu mideeyo kana shaqeeyo amaanka degmooyinka Gobolka Banaadir intii uu ku mashquuli lahaa arimaha Soomaaliuya.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiis Sadex geesood ah oo Imaaraatka kuwada saxiixdeen Somaliland, Itoobiya iyo Shirkada DP World ee laga leeyahay  Imaaraatka , heshiiskan ayaana lagu qeyb sanayay saamiga Dekadda Berbera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Konton gantaal oo lagu garaacay Magaalada Ayelet Hashahar

Caydiid Ali

Taliban oo amar adag ku soo rogtay haweenka ka shaqeeya Telefishinada

Caydiid Ali

Shiinaha oo beeniyey Warar la isla dhexmarayey oo la xiriira cudurka Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---