Ciidamada Amaanka oo Muqdisho ku qabtay nin qarax Miino aasayay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir la sheegay in ay kusoo qabteen nin dhalinyaro ah oo wado dhinaceeda ku aasayay qarax miino.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamada amaanka mar qura ay hareereeyeen ninka miinada aasayay, waxa ayna ciidamada booliiska gaar ahaan qeybta miino baarista markii dambe kala fur fureen miinada .

Ciidamada booliiska ayaa xabsiga u taxaabay ninkan la qabtay isaga oo miinada aasayay, waxa ayna Saraakiisha booliiska sheegeen in  baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono ninkan.

Qaraxyada miino ee lagu aaso gudaha magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo kordhayay, waxaana qaraxii ugu dambeeyay ee Miino uu xalay ka dhacay Laamiga 30-ka gaar ahaan agagaarka Labo Dhagax.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada ay ku xaqiijinayaan amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay, waxaana magaalada kusoo badanaya qaraxyada iyo sidoo kale dilalka qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -