Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sacuudiga oo si kulul uga hor yimid go’aan uu gaaray Madaxweyne Trump

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka hor-timid go’aanka Madaxweyne Donald Trump uu Isniintii dhulka Golan Heights ee Syria ugu aqoonsaday dhul ay leedahay Israel.

Sacuudiga ayaa cambaareeyey tallaabadaas, kuna sheegay mid xadgudub ku ah xeerarka caalamiga ah.

“Sacuudi Carabiya waxa muujineysaa diidmadeeda qayaxan iyo cambaareynta ku aadan go’aanka maamulka Trump uu dhulka Golan Heights ugu aqoonsaday dhul Israel” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Golan weli waa “dhul Carbeed Syria oo la haysto”, islamarkaana aqoonsiga ah in Israel ay leedahay “waxa uu xadgudub ku yahay xeerka QM iyo qaraarada caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Tani waxa ay saameyn aan wanaagsaneyn ku yeelan doontaa hanaanka nabadda Bariga Dhexe iyo xasiloonida gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Golaha Ammaanka QM iyo maamulladii hore ee Mareykanka ayaa mar walba u arkay Golan dhul la haysto, oo dib usoo celintiisa ay qeyb ka noqon lahayd wada-xaajood buuxa oo heshiis nabadeed ay ku gaaraan Israel iyo Syria.

Israel ayaa dhulka Golan Heights ku qabsatay Dagaalkii 1967-kii ee Carabta iyo Israel, waxayna dhulkeeda ku darsatay 1981-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

C/kariin Guuleed “Mahdi Guuleed wuxuu shacabka Soomaaliyeed siiyay qishka doorashada soo socota !!

Caydiid Ali

Yuusuf Dhegnaas & xubno kale oo lagu dilay duqeyn

Caydiid Ali

Shiinaha oo jawaab aysan ku farxin Israel ka bixiyey weerarkii Xamas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---