Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo War cad ka soo saartay buuraha Golan ee Israel heysato (Akhriso)

Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia ayaa caawa soo saartay war cad oo ku saabsan mowqifka Somalia ka taagan go’aanka dowlada maraykanku ugu aqoonsatay buuralayda golan heigths dhul Yuhuuda leedahay

War-saxaafadeed

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa mowqifkeeda sugan oo ah in dhulka buuralayda Golan uu yahay dhul Suuriya ay leedahay oo Israa’iil ay xoog iyo sharci darro ku heysato iyadoo la raacayo dhammaan go’aannada sharciyeed ee caalamiga ah ee arrinkaasi laga soo saarray, waxa ayna si waafi ah u sheegaysaa laga maarmaanshaha in loo hoggaansamo labada go’aan ee Golaha Ammaanka ka soo baxay oo tirsigoodu kala yahay 242 oo soo baxay sanadkii 1967 iyo 497 oo soo baxay sanadkii 1981, oo ku gacanseyray go’aankii Israa’iil ee ku darsashada dhulka Golan ee la heysto, si la mid ahna la diiday in shuruucdeeda iyo maamulkeeda ay ka hirgeliso dhulkaasi buurralayda ah.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’aan waliba oo loogu aqoonsanayo madaxbanaanida Israa’iil ee buurralayda Golan uu yahay go’aan laalan oo baadhil ah oo ku tumanaya Qaanuunka Caalamiga, oo uu ku jiro Cahdiga Qaramada Midoobey, xiisadana ku sii kordhinaya dhibaatada Bariga Dhexe, dhantaalayana geeddi-socodka nabadda, ammaanka iyo xasiloonida.

Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa Beesha Caalamka inay si mideysan ugu istaagto si loo xushmeeyo go’aannada sharciyada caalamiga ee diidaya in xoog lagu qabsado dhul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali Badan oo Saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay Cape Town (Sawirro+Magacyada)

Cabdi Cade

Qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada booliiska G/Banaadir oo isbadal lagu sameeyay

Cabdi Cade

Dowladda Denmark oo ka hadashay xiisada ka dhalatay Heshiiska Abiy iyo Muuse Biixi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---