Milateriga difaacyada kaga jira Baraawe oo ku biiray ciidamada gadoodsan (Daawo Video)

Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee difaaca kaga jira degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose ayaa ku soo biiray ciidamada gadoodsan ee ka cabanaya mushaar iyo raashin la’aanta.

Ciidamadan oo ah Guutada 6-aad ururkeeda koowaad ayaa warbaahinta la hadlay, waxayna sheegeen in muddo 4 bilood aan la siin mushahar iyo raashin, waxayna sheegeen in raashin la’aan aysan difaac ku jiri karin, waxayna dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ka dalbadeen inay xuquuqdooda siiyaan.

Saraakiil u hadlay Ciidamada Baraawe ku sugan ayaa Madaxda Qaranka u qabtay saddex Maalmoood inay uga soo jawaabaan cabashooda, haddii kale ay dib ugu laaban doonaan guryahoooda, kana bixi doonaan difaacyada.

Waxaa sii xoogeysanaya cabashada ciidamada Milateriga dowladda heysta iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ciidamada Milateriga ay warbaahinta hor yimaadaan tan iyo markii uu talada dalka la wareegay madaxweyne Farmaajo.

Ciidamo ka tirsan milateriga ayaa horey uga soo baxay degaano ka tirsan gobolada labada Shabelle, iyagoo ka cabanaya mushahar la’aan iyo daryeel xumo, waxaana arinta mushahar la’aanta ciidamada ay noqotay maalmahan hadal heynta ugu badan ee bulshada.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA CIIDAMADA CABANAYA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -