Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dhul gariir caawa laga dareemay Magaalooyin ka tirsan Kenya oo Nairobi ay ku jirto

Magaalooyinka Nairobi, Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu ayaa waxaa caawa laga dareemay dhul gariir

Abaare 7:22pm Fiidnimo ee Caawa ayaa la sheegay in Daqiiqado kooban dadka ku sugan Magaalooyinkaas in ay dareemeen dhulka oo nuux nuuxsanaya.

Sida laga soo xigtay Waaxda Saadaasha Hawada Kenya cabirka dhulka gariirka waxaa lagu qiyaasay 4.8 qiyaasta cabbirka Dhulgariirka.

Dowladda Kenya wali war kama soo saarin dhulgariirkan oo baqdin ku reebay dadka ku nool Magaalooyinka laga dareemay, lamana oga illaa khasaare inuu jiro iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Miisaaniyadda Golaha Wasiirrada Puntland oo sannadkan la kordhiyay lana ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Qatar oo markii ugu horeysay dhaliil culus u jeedisay Maamulka Taliban

Caydiid Ali

Xildhibaano Haween ah oo katirsan Baarlamaanka Kenya oo lagu heesto lacago badan !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---