Madxaf UNESCO u aqoonsan tahay Dhaxal-Adduun oo Masjid laga dhigayo iyo caro ka dhalatay

Maxkamada ugu sareysa dalka Turkiga ayaa shalay go’aamisay in madxafka caanka ah Hagia Sophia ee kuyaala magaalada Istanbuul sanado badan kadib dib loogu celiyo Masjid uu markii hore ahaa.

Gollaha Qaranka oo ah maamulka Maxkamadeed ee ugu sareeya dalka Turkiga ayaa meesha ka saaray go’aan sanadkii 1934-kii soo saareen golaha wasiirada Turkiga oo Hagia Sophia looga dhigay Madxaf.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa si weyn usoo dhaweeyay go’aanka maxkamada kasoo baxay, waxa uuna Madaxweyne Erdogan sanado badan u ololeenayay in madxafkaasi laga dhigo masaajid weyn.

Hay’adda dhaqanka iyo waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNESCO ayaa u aqoonsan dhismaha madxafka Hagia Sophia Dhaxal-Adduun , waxa ayna UNESCO horey uga soo horjeeday qorshaha madxafkan loogu bedelayo masaajid.

Go’aanka kasoo baxay maxkamada ugu sareeya ee dalka Turkiga ee Hagia Sophia looga dhigayo masaajid ayaa ka careesiiyay dowlado ay kamid tahay Gariiga, waxaa sidoo kale go’aankan ka carooday ururo ay leeyihiin kooxaha Krishtaanka.

Dhismahan Hagia Sophia ayaa horey muhiim ugu ahaa boqortooyadii Kirishtanka ee Byzantine iyo tii Islaamka ee Cusmaaniyiinta dib looga dhigo Masjid, dhismahan ayaana ahaa mid taariikho badan lahaa.

Hagia Sophia oo ahaa Masjid, sidoo kale mar ahaa kaniisad ayaa waxaa madxaf loogu beddelay go’aan ay dowladda Turkiga gaartay 1934-kii, xilligaas oo ahayd sanadihii hore calmaaniyadda uu Turkiga ka dhigay aas-aasaheeda Mustafa Kemal Ataturk.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -