Digniin Amni oo loo diray shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya mudooyinkii ugu dambeeyay, waxaana sii kordhaya qaraxyada iyo dilalka qorsheesan ee magaalada ka geesanayaan dagaalyahanada hubeesan.

Shalay kaliya magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay ku dhawaad 5-qarax oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana wali magaalada ka jirta cabsi laga qabo in ay dhacaan qaraxyo iyo weeraro kale oo qorsheesan.

Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalada amni daro ee xiligan ka jirta magaalada Muqdisho iyo sida laamaha amniga ugu guul dareesteen in ay wax ka qabtaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xaalad amaan daro ay hada ka jirto guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka feejignaadaan halista ku imaan karta noloshooda.

Waxa uu ugu baaqay Wasiirkii hore ee Amniga Shacabka Muqdisho in ay feejignaan galaan iskana yareeyaan socodka magaalada, waxa uu sidoo kale ka codsaday in aysan waqti badan joogin hoteelada iyo goobaha kale ee la beegsan karo.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku guul dareestay wax ka qabashada falalka amaan daro ee kusii kordhaya magaalada Muqdisho, waxaana magaalada si joogta ah uga dhaca qaraxyo , weeraro iyo dilal qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -