Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo xabsi la dhigay iyo Sababta keentay

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xalay xili dambe xabsi la dhigay Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo.

Sida aan Wararka ku helnay Guri Barwaaqo ayaa loo xiray eedeemo la xariira falal musuq maasuq uu ku kacay, waxaana xariga Wasiirka amar ku bixiyay xafiiska xeer Hanti dhowrka maamulka Somaliland.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa la filayaa in maanta oo axad ah la horgeeyo Maxkamad kutaala magaalada Hargeysa oo loo gudbiyay kiiska dacwadaha musuq maasuq ee Wasiirka loo heesto.

Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland, oo maalmahan waday baaritaanka eedeemo musuq maasuq oo loo heestay masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland ayaa codsaday in la xiro Wasiirka Warfaafinta oo xabsiga uga sii horeeyeen masuuliyiin kale.

Wasaarado iyo Hay’ado katirsan maamulka Somaliland ayaa lagu sameeyay baaritaano la xariira musuq maasuq, waxaana la filayaa in xabsi la dhigo ama maxkamad lasoo taago masuuliyiin kale oo lagu helay ku lug lahaanshaha Musuq maasuqa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -