Shirkada Somtel oo soo kordhisay 5-adeeg cusub oo aad loogu riyaaqay (Daawo Sawirada)

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Somalia oo ku caan-baxaday in had iyo horaanba soo kordhiso adeeg isgaarsiin oo casri lana jaanqaadaya isbadalka technology-da dunida si ay u haqabtirto baahiyaha isgaarsiineed oo ay shacabka soomaaliyeed qabaan.

Somtel Somalia waa shirkaddii ugu horeysay ee dalka keenta, adeega 4G LTE ee Mobile internet xawaarihiisuna yahay “peak rate ~150Mbps, typical user rate downlink 10~20Mbps, typical user uplink 5~10Mbps” xawaarahaas oo dhamaan bulshadii tijaabisay ku qanceen aad ula dhaceen.

Sidoo kale shirkadda bulshada soomaaliyeed waxa ay horay uga haqabtirtay baahiyo farabadan oo ay u qabeen adeegyada isgaarsiinta la xiriirta sida in 1 sim card lagu kulmiyo adeegyada isgaarsiinta, adeegga xawaalada iyo adeegga bangiga, Tusaale sim card-ka somtel waxaad ka helikartaa internet xawaare sare oo qiimo jaban, ku hadal dal iyo dibad cod fasiixa oo qiimo jaban, adeega eDahab oo ah adeeg kuu suurta galinaya in aad ka maaranto Bangi iyo xawaalad kuuna fududeeynaya dhamaan dhaqdhaqaaqyada dhanka ganacsiga iyo xisaabaadka adigoo adeegsanaya moobilkaaga iyo sim card somtel, waxaa intaas u dheer lacagta uu qaadi karana aad ayey u badan tahay, adeega ila soo hadal oo ah adeeg si lacag la’aan lagaaga soo wici karo dibada, adeega muraad oo laga heli karo ku shubasho xirmooyin internet iyo ku hadal aad u qiimo jaban.

Adeegii ugu danbeeyay oo ay shirkadda soo kordhisay 18 February 2019 kaaso ah 3G H+ mobile internet kaas oo xawaarihiisu yahay “peak rate ~42Mbps, typical user rate downlink 2~10Mbps, typical user uplink 0.5~4.5Mbps” si ay uga faa’iideystaan bulshada taleefanadooda aysan u saamixin adeegsiga technology-da 4G LTE oo ay shirkadda horay u keentay.

Haddaba Munaasbadaan maanta waxaan ku soo bandhigaynaa 5 adeeg oo cusub kadib shirkadda marka ay sameeysay isbalaarin iyo casriyeeyn dhanka isgaarsiinta.

1. Adeega 4G LTE Advanced ama 4G+, kaas oo xawaarihiisu yahay “peak rate ~1Gbps, typical user rate downlink 30~100Mbps, typical user uplink 10~60Mbps” Waa adeeg dunida ku soo biiray 2016 ahna adeegii ugu danbeeyay dhanka mobil internetka uguna xawaare badan. Sanadaan 2019 waxaan la rajeeynayaa in dunida uu kusoo kordho adeega 5G. Halkaas waxaad ka garankartaa muhiimada adeegaan uu leeyahay, dalalka laga isticmaalana ay aad u yar yihiin taas oo soomaaliya ka dhigeysa in ay tahay dalalka ugu horeeya dhanka isgaarsiinta gaar ahaan Africa iyo Asia. Kaalintaas Soomaaliya in ay gasho waxaa fursad u siiyay Allah kadibna Shirkadda Isgaarsiinta Somtel Somalia.

2.Xirmooyinka Kaafiye, waa adeeg ku shubasho data internet iyo ku hadal iswata oo qiimo jaban si bulshada soomaaliyeed looga xaqabtiro baahiyaha internet iyo ku hadalka moobilka. Xirmooyinka waxa ay ka kooban yihiin $0.5 = 560 Mb $1= 1.1 GB oo u dhiganta 1,126 MB+ 10 Daqiiqo oo hadal ah. $2=2.3 GB oo u dhiganta 2,354 MB+ 25 daqiiqo oo hadal ah. $3=3.5 GB oo u dhuginta 3,584 MB +40 daqiiqo oo hadal ah. Si qofka uu uga faa’iideysto xirmooyinkaan waa in qofku adeega eDahab u furanyahay si uu ugu shubtana garaacaa *500# Dhamaan ku shubashada data internet ee shirkadda somtel ma dhacdo waxa ay ku xirantahay isticmaalka qofka.

3. Adeega La wadaag, waa adeeg ku sahlaya in aad la xiriirto qofka aad rabto marka lacagta ku hadalka ay kaa go’do ama kaa dhamaato adigoo la wadaagu lacagta hadalka ugu jirta qofka aad waceeyso haddii uu ogolaado in aad la wadaagto lacagta ku hadalka ugu jirta taleefankiisa. Si aad u furato adeegaan garaac *770# si aad uga faa’iideeysatana ka hormari numberka qofka aad waceyso 111 kadibna raaci numberka qofka oo garaac 11162xxxxx.

4. Adeega Dahabi, waa adeeg aad ka maamulan karto xisaabta kaaga furan Dahabshil Bank International (DBI). Sida ogaanshaha haraaga xisaabtaada, Lacag Dhigasho iyo Kala bixid xisaabtaada 24/7 iyo warbixin kooban oo dhaqdhaqaaqyadii u danbeeyay ah.

Dhamaan waxaad ka maamuleysaa moobilkaaga iyo sim cardka somtel. Si aad u furato adeegaan waa in qofku tagaa laamaha baniga DBI, kadib mobilkaaga ka gal oo garaac *777#.

5. Adeega Xawaalada Mobile-ka, waa adeeg ku fududeeynaya in lacagta xawaalada aad ka dirto Mobilkaaga dunida oo dhan adigoo jooga gurigaaga ama goibtaada shaqo. Si aad uga faa’iideysato adeegaan in adeega eDahab kuu furan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -