Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Dowlada Talyaaniga oo Qalab iyo Daawooyin ku wareejisay Taliska Ciidanka Milatariga

Dowlada Talyaaniga ayaa qalab caafimaad iyo daawooyin kala duwan maanta ku wareejisay  Taliska Ciidanka Milatariga Soomaaliya, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Muqdisho .

Safiirka Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile ayaa qalabkan caafimaad iyo daawooyinka ku wareejiyay Abaanduulaha Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Generaal Bille Aadan Ibraahim .

Qalabkaan caafimaad oo ay ka mid yihiin Sheybaaro iyo Daawooyin kala duwan ayaa dowlada Talyaaniga ugu tala gashay  Cisbitaalka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo la dhigo askarta Milatariga ee soo dhaawacma.

Dowlada Talyaaniga ayaa dhinacyo badan ka caawisa Dowlada Soomaaliya, waxa ayna marar badan Talyaaniga qalab kala duwan iyo daqwooyin ugu deeqday Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lacagaha Laga qaadayo Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka walaacsan xaalada Soomaaliya baaq deg deg ahna ka soo saaray doorashada

Cabdi Cade

Laftagareen oo diiday in uu ka qeyb galo Shirka uu Iclaamiyay Rooble lana saftay Farmaajo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---