Allbanaadir.com
NEWS

Natiijo Horu dhac ah oo laga soo saaray Caafimaadka Maskaxda Donald Trump

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump  ayaa lagu sameeyay baaritaan caafimaad oo dheer , kadib markii shaki xoogan la galiyay caafimaad qabka Maskaxdiisa.

Ronny Jackson, oo ah Dhakhtarka gaarka ah ee aqalka cad oo baaritaan caafimaad ku sameeyay Donad Trump ayaa sheegay in Caafimaadka Madaxweynaha uu yahay mid wanaagsan wax dhibaato ahna aan qabin.

Dhaqtarka ayaa baaritaan caafimaad oo qaatay mudo Sadex saacadood ah ku sameeyay Madaxweynaha Mareykanka, waxa uuna sheegay baaritaanka kadib in Maskaxda Madaxweynaha iyo guud ahaan caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay.

Caafimaadka Madaxweynaha dalka Mareykanka ee dhinaca Maskaxda ayaa dhoor mar shaki la galiyay, waxaana shakigan sii xoojiyay buug dhawaan laga qoray Trump oo lagu sheegay in uusan Maskaxiyan caafimaad qabin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Guddoomiye Cali Gacal Casir lagu xanibay garoonka Jomo Kenyatta?

Caydiid Ali

Maraykanka oo la baxay safiiraddii u fadhiyay saddex dal & sabab yaab leh oo ka dambeysa

Caydiid Ali

Su’aalo laga keenay in Ronaldo Sacuudiga kula noolaan karo Saaxiibtiisa uusan wali guursan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---