Dil saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa saakay Isgooska Ex-Control Balcad ee Degmada Hiliwaa waxa ay ku dileen nin shacab ah oo ku sugnaa goob shaaha laga cabo.

Goob joogayaal ayaa ku waramay dhalinyaro biskoolado ku hubeesan ay dhoor xabadood ku dhufteen nin magaciisa lagu sheegay Cumar Geelle oo dadka deegaanka kamid ahaa.

Warar ay baahiyeen Idaacadaha Muqdisho qaarkood ayaa sheegaya in ninkan la dilay uu maamulka Degmada Hiliwaa kala shaqeenayay dhinaca Isboortiga iyo horumarinta dhalinyarada degmada.

Warbaahinta Afka Al Shabaab ku hadasha ayaa qoray in ninkan la dilay uu kamid ahaa askarta dowlada sidoo kale kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya wax kasoo doortay.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto dad shacab ah iyo dad kale oo dowlada u shaqeeya, waxaana inta badan baxsada dableyda hubeesan ee dilalka geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -