Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jen. Indhacadde oo ka hadlay sababta keentay gadoodka Ciidamada Milateriga qaarkood

Jen Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka Xoogga dalka ayaa si kulul uga hadlay cabashada ka soo yeeraysa ciidamada Millateriga Soomaaliya ee sababtay iney ka soo baxaan qaar ka mid ah saldhigyadii ay ku lahaayeen labada shabelle.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada aan afar Bilood la siin mushahar iyo raashin ee kasoo baxay furumaha dagaalka ay tahay dhibaato hor leh oo soo korortay, loona baahan tahay in xal waara loo helo.

Indhacadde ayaa xusay inay ka dhalan karaan ka bixitaanka Ciidamada degaanada qaar inay Al-Shabaab la wareegaan sidoo kalena la dhibaateeyo dadka dowladda taageersan ee degaanadaas ku sugan.

“Waxaan isleeyahay Gadoodka ay sameeyeen Ciidamada dowladda waxaa sababay hadaladii Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee ahaa in aysan jirin ciidamo aan mushaar qaadanin.

Indhacadde oo mar soo noqday wasiirka Gaashaandhiga ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in Ciidamada iyadoo la tirakoobayo la siiyo mushaharkooda iyo xaquuqda kale ee ay leeyihiin si loo ilaaliyo degenaanshaha goobah ay dowladu maamusho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

DF oo aqoonsigii u horeeyey siisay ajaaniib Qaxooti ah

Caydiid Ali

Xogo cusub oo laga helay Heshiiskii DF iyo Janan & Balan qaadyadii lagu soo xero galiyay

Cabdi Cade

Khayre: “Sax maaha in ciidanka amnigu qeyb ka noqdaan guddiyada doorashooyinka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---