Al Shabaab iyo Milatariga Kenya oo guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Faax Faaxdhuun

Dagaal xoogan oo saacado badan socday ayaa shalay duleedka Deegaanka Faax faaxdhuun ee gobolka Gedo waxa uu ku dhax maray ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ay wehliyaan Ciidamada Kenya iyo kooxda Al Shabaab.

Ciidamada labada dhinac ee dagaalamay waxaa soo gaaray khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxaaana dagaalka la sheegay in ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka Kenya.

War kasoo baxay Milatariga Kenya ayaa lagu sheegay in dagaalka Al Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidoo kale gaadiid dagaal kaga gubeen Al Shabaab.

Milatariga Kenya ayaa sheegay in 23- dagaalyahan oo katirsan Al Shababa dagaalka ku dileen sidoo kale ku gubeen sadex gaari oo nuuca dagaalka ah , warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al Shabaab laga qabsaday hub kala duwan.

Dhinaca kale war kasoo Al Shabaab ayaa lagu sheegay dagaalkii ka dhacay duleedka Faax faaxdhuun in lagu dilay in ka badan 20-askari oo katirsanaa Milatariga Kenya sidoo kale lagu gubay gaadiid dagaal .

“Dagaalkii shalay Gedo ka dhacay waxaa lagu gubay seddax baabuur,laba Taaw ah iyo mid Mutabiish ah waxaana lagu dilay 22 Askari Kenyaan ah hub fara badan waa lagu qaniimeystay” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Al Shabaab.

Dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Gedo ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac soo gaaray , mana jirto cid madax banaan oo xaqiijin karta guulaha labada dhinac kala sheegteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -