Madaxweynaha Puntland oo dhisay Wasaarad ku cusub maamulkiisa (Akhriso)

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa lagu dhisay Wasaarada cusub oo lagu soo kordhiyay Maamulka uu hogaamiyo, Wasaaradan ayaana horey ugu jirin maamuladii hore.

Wasaarada cusub uu dhisay Madaxweynaha Puntland ayaa ah Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo biyaha Puntland, waxa ayna Wasaaradan hada kadib kamid noqoneysa wasaaradaha kala duwan uu maamulkaasi leeyahay.

Wasaaradan cusub ee lagu soo daray Wasaarada maamulka Puntland ayaan wali loo magacaabin Wasiirka , Wasiir kuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaasi, waxaana la filayaa in uu dhawaan soo magacaabo Madaxweynaha Puntland.

Halkan ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -