Allbanaadir.com
NEWS

Iska hor imaad Khasaaro geesay oo maanta ka dhacay Muqdisho

Iska Hor imaad khasaaro dhaliyay oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya iyo ciidamo kale oo ilaalo ka hayay Garaash kuyaala Laamiga warshadaha ayaa ka dhacay Muqdisho.

Goob jooge ayaa ku waramay in ciidano katirsan Nabad sugida ay tageen garaashka halkaasna ay kala kulmeen iska hor imaad uga yimid ciidamo kale oo ku sugnaa gudaha garaashka.

Inta la xaqiijiyay hal askari oo katirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo  qof shacab ah ayaa ku dhintay iska hor imaadka ka dhacay garaashka kub yaala Warshada Taraqa iyo Sigaarka ee Laamiga Warshadaha.

Magaalada Muqdisho waxaa xiliyada qaar ka dhaca iska hor imaad dhax mara ciidamo katirsan dowlada Soomaalia, iska hor imaadyada ayaana ah kuwa ka dhasha kala shaki iyo is qab qabsi labada ciidan dhaxdooda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Booliska Muqdisho oo xiray gabar kale oo caan ah

Caydiid Ali

Wasiirka Maaliyadda afartan Su’aal ha uga jawaabo Shacabka Soomaaliyeed ?

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay howlgalo lagu laayey Shabaabkii ugu badnaa (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---