Maxkamad lasoo taagay Nin doonayay in uu dilo Gabar Soomaaliyeed

Maxkamad kutaala magaalada Leicester City ee Dalka Ingiriiska ayaa la horgeeyay nin cunsuri ah oo lagu eedeeyay in uu damacsanaa dilka Gabar Soomaaliyeed oo mareysay wado magaaladaasi kutaala.

Booliiska ayaa xiray ninkan Cunsuriga oo magaciisa lagu sheegay Moore kadib markii gaari uu watay uu ku weeraray Seynab Xuseen oo ah Gabar Soomaali ah sidoo kale xijaabneyd xiliga gaariga lagu weerarayay.

Dad marqaatiyaal ah ayaa Maxkamada ka hor cadeeyay in ninkan uu doonayay in uu gabadha gaariga ku dilo xili ay wado mareysay, waxa ayna tilmaameen xiliga uu gaariga la aadayay ninkan in uu qoslayay.

Seynab Xuseen ayaa ka bad baaday weerarka ninkan cunsuriga ah ku damacsanaa in uu ku dilo, waxaana dhacdada ninkan kula kacay gabadhan Soomaaliyeed lagu tilmaamay mid naceyb salka ku heysa.

Ninka Dambiilaha ah ayaa Maxkamada horteeda ka beeniyay eeda loo soo jeediyay ee ahaa in uu dil damacsanaa, Maxkamada ayaana diiday in ninkan fasaxdo iyadoona Maxkamadeyntiisa ay sii socon doonto.

Dalka Ingiriiska iyo Qaar kale oo kamid ah Wadamada reer Galbeedka ayaa falal naceyb ah waxaa lagula kacaa dadka Muslimiinta ah ay ku jiraan kuwa Soomaalida, waxaama horey u dhacay falal lagu dhibaateeyay dad badan oo Muslimiin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -