Ra’isul Wasaare Scott Morriso oo ku baaqay in wax laga qabto Baraha bulshada

Baraha bulshada ayaa noqday kuwa xiligan saameyn badan ku yeeshay nolosha bulshada Caalamka , waxaana barahan oo ay ugu caansan yihiin Facebook, Twitter iyo Youtube lasoo dhigaa Muuqaalo mararka qaar araggax iyo dhibaayooyin kalaba abuura.

Muuqaal dhawaan si toos ah barta Facebooka looga daawanayay ayaa caro badan abuuray, waxaana muuqaalkan bartiisa toos uga soo deenayay ninkii cunsuriga ahaa ee dadka badan ku laayay Masjidyo kuyaala dalka New Zealand.

Ra’isul Wasaaraha Dalka Australia Scott Morriso ayaa ku baaqay in si wadajir ah wax looga qabto baraha bulshada uu sheegay in ay abuurayaan naceyb iyo dhibaatooyin kale, waxa uuna hadalkiisa daba socday muuqaalkii laga baahiyay weerarkii New Zealand.

Waxa uu codsay Ra’isul Wasaaraha Dalka Australia waxyaabaha diirada lagu saari doono shirka G20 in lagu soo daro sidii wax looga qaban lahaa baraha bulshada ay dadku kuwada xariiraan.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Dalka Australia ayaa kusoo aadaya xili caro badan ay abuurtay in baraha bulshada si toos ah looga daawado xasuuqii Muslimiinta loogu geestay masaajidyo kuyaala dalka New Zealand.

Muuqaalka uu duubay ninkii weerarka fulinayay ayaa laga daawaday baraha bulshada sida Facebook iyo Youtube, muuqaalka ayaan daqiiqo kadib laga saaray baharahaasi, hasa ahaatee dad kale oo sii duubtay ayaa kusii faafiyay baraha kale ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -