𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮: 𝗫𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝘁𝗮𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗻 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗶𝗻 𝗹𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗺𝗼 𝗳𝗮𝗿𝗮𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮
Soomaaliya oo ah dal 65 sanno xor ah , ayaa ku dhibaatoonaysa inay ka soo baxdo burbur ka soo bilowday dhicitaankii dawladdii milatariga, sannad kastana wuxuu ku dhammaanaya iyadoo waddanku wajahayo xaalad quus ah, wax kastana waxay taaganyihiin halkooda, waxa kaliya ee la arko waa in hoos u dhaca uu yahay waxa qof walba u muuqanaya, horumarkuna waa mid gaabis ah, balse hadda waxay u muuqataa in la soo gaaray xilli ay Soomaalidu luminayaan ka tashiga aayahooda, waxayna wajahayaan cawaaqibka ka dhashay faragelinta shisheeye oo ah in lagu soo rogo amarro, halkii ay iyagu gaari lahaayeen go’aamada masiiriga ah ee wadatashiyada qaran.
Tan iyo dhismaha jamhuuriyadda cusub ee federaalka ah, khilaafaadka siyaasadeed waxay noqdeen kuwa naafeeya horumarka bulsho iyo dhaqaale ee Soomaaliya, xalkuna wuxuu ka yimaadaa shisheeyaha, markastana waa mid kumeel-gaar ah oo xaalad looga talaabayo ee ma aha xalka dhammaadka dhibaatada!
Haddaba, inta aannan guda-gelin waxa ay u baahanyihiin Soomaalida, waxaan fikrad kaa siinayaa sida uu u dhaco faragelinta shisheeye oo aad ku oggaan karto, hababka loo maro faragelinta dalalka soo koraya sida Soomaaliya oo kale;
Dhammaadkii qarnigii labaatanaad, waxaa soo ifbaxay isbeddello ku dhacay jiho-siyaasadeedka caalamka, waxaana dhismay qaab-dhismeed dhaqan-dhaqaale,kuwaas oo u muuqda inay caqabad ku yihiin madax-bannaanida dawladaha soo koraya oo si dhaqso ah u wajahay colaadaha qowmiyadeed ee rabshadaha wata, dhaqdhaqaaqyada gooni-goosadka, rabitaanka madaxbannaanida , maamullo doonaya hab macaamiil gaar ah iyo gacan ku haynta dhulal, tana waxay dhexda u gelisay dalalka daciifka ah burbur dhaqaale , xaaladan oo ku dhiirrigelisa dawladaha awoodda leh, ururrada caalamiga ah iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah inay faragelin ku sameeyaan dalalka wajaha marxaladan,iyadoo lagu soo weerarrayo habab caalami ah oo kala duwan sida; dadaallada nabad ilaalinta iyo holwgallada bini’aadantinimada.
Faragelinta xallinta khilaafaadka, nabad ilaalinta, dhaqaalaha iyo ku-dhaqanka siyaasadda dhaqaalaha dibadda ayaa hadda ah isha ugu weyn ee weerarrada madax-bannaanida go’aan-qaadashada, madax-bannaanida dhuleed iyo madax-bannaanida qaran ee dalalka soo koraya!Marka uu dal wajaho xaaladaa, natiijadu waxay noqotaa inay si tartiib tartiib ah u lumiyaan aqoonsigooda, xuquuqdooda, iyo waajibaadka ka saaran bulshada, taasoo ka dhalata amarro dibadda ee looga soo rogay, mustaqbalkoodana wuxuu gacanta u galaa dhinacyo shisheeye.
Dhismaha waxa loogu yeero xeerarka caalamiga ah , waa fikrada quwadaha warshadaha adduunka, kuwaasoo u adeegsanaya xeerarkan hab ay ku xakameeyaan dalalka soo koraya, ciddii iskudayda inay ka baxsatana oo si ula kac ah uga soo horjeesta xeerarkan caalamiga ah waxa loo arkaa dawladdo khatar ku ah nidaamka caalamiga ah, waxayna la kulmaan cunaqabateyn.
Hay’adaha caalamiga ah ee ugu waaweyn caalamka sida ; Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka, Bangiga Adduunka, ama ururka Ganacsiga Adduunka ayaa ah mid ka tarjumaya sharciga caalamiga ah ee u taagan ilaalinta qaab-dhismeedka siyaasadeed iyo dhaqaale ee caalamiga ah, waxayna inta badan ka shaqeeyaan sidii loo hubin lahaa jiritaanka xukunka waddamada warshadaha horumaray ay ku hayaan caalamka.
Waddamada soo koraya ayaa ka qeybqaata inay sii shaqeeyaan sharciyadan , iyagoo aan raalli ka ahayn! Si aad u fahanto sharciyada caalamiga ah waa hindise gumeysi oo aan loo marin xoog , balse waddamada soo koraya waxaa lagu khasbay inay fuliyaan sharciyada caalamiga ah oo loo sameeyay si loo ilaaliyo loogana tarjumo danaha dawladaha iyo xoogaga dhaqaalaha.
𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮 𝘂𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝘀𝗮𝗻 𝗸𝗮𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗳𝗮𝗿𝗮𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮?
𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲𝘀𝗲 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗶 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮 𝘅𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝘁𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗸𝘂 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗲𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗯𝘂𝗿𝗯𝘂𝗿 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘁𝗮𝗴 𝗹𝗮𝗴𝘂 𝗹𝘂𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮?
Marka aad tixraacdo hababka lagu xaqiijiyo faragelinta shisheeye, waxaad oggaanaysa inay Soomaaliya la kulantay dhammaan weerarrada loo fuliyo si loo farageliyo dal, taa oo jirta Soomaaliya waxay leedahay dhibaato gaar ah oo aan marna hoos u dhigeyn faragelinta shisheeyaha, waana barta uu dalka ku yaalla oo ah goob istaraatiji ah oo ay u dheertahay inuu dalka heysto dhul hodan ku ah macdanta iyo khayraad kale oo shidaalka ku jiro! Dhibkaa oo jira bulshada Soomaaliyeed si ka duwan bulsho kasta oo caalamka ku nool, waxay dedejiyeen qorshe kasta oo loogu talagalay inay ku lumiyaan midnimadooda, waana inay hab fikirkooda, ficilkooda iyo hannaanka ay wax ku qiimeeyaan ay sal uga dhigeen qabyaaladda oo ah masiibo u gaar ah dadka Soomaaliyeed!
Haddii aan la qaadin tallaabooyin waxtar ah oo lagu dhimayo faragelinta,wuxuu qof kasta oo Soomaali ah wajihi karaa cawaaqibka inuusan wax u qaban si uu u ilaaliyo jiritaankiisa, wuxuuna lumin doona inuu qaato go’aammada mustaqbal, taa beddelkeeda wuxuu u hoggaansami doonaa go’aammada lagu soo rogo, si taa uusan u sugin qof kasta waxa ay tahay in lagu dhaqaaqo ayaa ah habab lagu dhimi karo faragelinta oo ay ugu horreeyaan in sare loo qaado wacyiga bulshada illaa heer ay diyaar u noqdaan inay u dagaallamaan jiritaankooda, wacyiga bulsho waa inuu dhisi karo kalsoonida iyo midnimada bulshada, taa oo awood u siinaysa inay gaaraan mowqif mid ah, waa inay dadku garanayaan waxyaabaha danta guud ah ee uga baahan isla-xisaabtanka, laakin miyaa la gaarayaa marxaladan iyadoo bulshada ay wax ku qiimeynayso danaha gaarka ah oo aysan sharraxaad u heyn waxa ay ka beddelayaan nolashooda?
Ma aragtay qofka doonaya inuu qeyb ka noqdo siyaasadda Soomaaliya, wuxuu ka fakarayaa mansab iyo habab uu sare ugu qaadi karo danihiisa gaarka ah oo ay ugu horreyso inuu siyaasadda u adeegsado hab uu dhaqaale ku sameeyo, ma jirto siyaaasiga wax boos ah oo maskaxdiisa ay ku leeyihiin danaha qaranka, iskaba daaye wuxuu u degdegaya inuu dhiso xiriirka shisheeye si uu u fuliyo danahooda , taana waa habka kaliya ee aad waqti dheer ugu jiri kartid siyaasadda Soomaaliya, ma aha in siyaasiga uu xunyahay ee waxaa dhintay dareenka iyo wacyiga bulsho ee ka hortagi lahaa inuu ka soo dhex baxo ama ay noqoto siyaasadda lagu dhaqayo mid loo adeegsado danaha gaarka ah iyo fulinta danaha shisheeye!
Dadka Soomaaliyeed, waxay u baahanyihiin inay beddelaan fikrada hoggaamiyayaasha siyaasadda ee aan wax ixtiraam ah u heyn danahooda, waxayna hoggaamiyayaasha siyaasadda ku guul-darraysteen dhisida qaran ilaaliya bulshada , si ay taa u dhacdana bulshada waa inay codkooda ku soo bandhigaan khaladaadka oo ay soo jeediyaan isla xisaabtanka,iyagoo gudanaya waajibaadka saaran ee ah inay taageerraan danaha qaranka iyo u hoggaansanaanta sharciga.
Gunaanad;
Hoos u dhigista xiriirada iskaashiga ee wax u dhimaya jirintaa ayaa sidoo kale noqon karta hab dib loogu soo celiyo dhismaha nidaam xooggan oo dalku yeesho, hadda si cad Soomaaliya ma awooddo inay ka baxsato xeerarka caalamiga ah ee dhibaateynaya jiritaankeeda, taa beddelkeeda Soomaaliya waxay heysataa ikhtiyaarka inay iskaashiga iyo xiriirka ay la sameynayso dalalka ay doorato kuwa aan khatarta ku ahayn jiritaanka ee aan faragelin ku lahayn arrimaha gudaha, taana waxay ku imaan karta dejinta siyaasaddo iyo istaraatijiyado u adeegaya danaha qaranka oo ka yimaada hoggaamiyayaasha.
W/Q Iman Jamac