Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax ayaa galabta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada H/wadaag ee Magaalada Muqdisho sida ay wararku nagu soo gaarayaan kaasoo jugtiisa meelo badan laga maqlay.

Goob joogayaal ayaa ku waramaya in qaraxa uu ahaa mid lagu soo xiray gaari uu qorshuhu ahaa in lagu dilo qofkii watay.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa nin magaciisa lagu soo koobay Xuseen oo ka mid ah dadka ka shaqeysta shirkadaha dhoofka (Travel Agency).

Ninkan ayey wararku sheegayaan inuu ka badbaaday qaraxa oo dhacay wax yar ka dib markii uu ka dagay gaariga uuna galay guri halkaas ku yaalla.

Lama sheegin cid kale oo wax ku noqotay qaraxan balse waxaa dab aad u xoogan uu qabsaday gaariga qaraxa lagu xiray oo aad ololay sida dadka degaanku sheegeen , waxaana goobtaas gaaray ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -