Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ku baaqay in howlaha u diyaar garowga doorashooyinka Hirshabeelle ee ka socda Magaalada Jowhar ee caasimadda Hir-Shabeelle kuwo la mid ah laga bilaabo Magaalada Beledweyne.
Dadka ku nool Gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay inay dhistaan Maamul u gaara ah, maadaama howlo fowdo ah ay ka socdaan Magaalada Jowhar sida uu yiri.
Hadalka Cosoble ayaa ku soo aadaya xili Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ay wehlinayeen Gudoomiyeyaashii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax & Yuusuf Dabageed ay shalay gaareen magaalada Jowhar, iyagoo ku baaqay in la dedejiyo doorashada Hirshabelle.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Cali C/llaahi Cosoble.
“Waxaan ku talinayaa howsha Jowhar ka socota mid la mid ah in Baladweyne laga bilaabo. Baarlamaanka Hirshabeelle ha la xulo, madaxweyne iyo ku xigeenna ha la doorto Baladweyne ha ku shaqeeyaan. Xaq baad u leedihiin, cid idinka hor istaagi karta ma jirto. Intaa markaad sameysaan ayey DFS, IGAD, AU iyo bulshda caalamka idin dhageysan doonaan. Abgaal reer Baladweyne ah waa idinla joogaan ee ka dhigta Madaxweyne ku xigeen, beelaha kale dhamaantoodna waa reer Hiiraan. Xawaadlow ogaada waa la idin riixriixayaa si la idiin tijaabiyo. Ha ku dhicina imtixaanka. Qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa. Fowdana waa laga hortagaa ee lama sugo. Ma jecleyn inaan sidaan ku taliyo balse waxaa ii muuqata talo kale oo idiin furan ineysan jirin. Dhista Hirshabeelle la mid ah midda ay reer Jowhar dhisanayaan”
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com