Taliye Indha-qarshe oo la kulmay wafdi uu horkacayey Yasir Khirey Abdelrahim (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa maanta Xafiiskiisa kula kulmay u qeybsanaha dalka Sudan ee Arimaha Ciidamada dalalka Soomaaliya iyo Kenya Yasir Khirey Abdelrahim.

Kulanka uu taliyaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu la qaatay u qaabilsanaha dalka Suudaan ee Arimaha Ciidamada dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

S/Gaas Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in kulankan uu mid lagu xoojinayo Xiriirka iskaashiga Ciidamada iyo dhanka tababarada

U qaybsanaha dalka Suudaan ee Arrimaha Ciidamada wadamada Soomaaliya iyo Kenya Yasir Khirey Abdelrahim ayaa tilmaamay in Suudaan ay dhawaan Bilaabi doonto tababarada ay siin jirtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Suudaan ayaa ka mid ah dalalka sida gaarka ah u tababara Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya oo xiligan ku jira dib u dhis iyo dib u habeyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -