Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay magaalo kutaala dalka Holland (Daawo Sawirada)

Nin hubeesan ayaa rasaas ku furay bas nuuca korontada ku shaqeeya oo marayay magaalada Utrecht oo kutaala bartamaha dalka Holland, waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro dad rayid ah soo gaaray.

Wakaaladaha wararka ayaa tabinaya in nin hubeesan uu rasaas ku furay goobta uubaska marayay, waxaana weerarkan la sheegay in uu ku dhintay hal ruux halka ay ku dhaawacmeen dhoor qof oo kale.

Booliska ayaa sheegay in Qof argagaxiye ahi uu Qeeylo iyo Rasaas iskugu daray dad saarnaa baska korontada ku shaqeeya , booliiska ayaana xiray aaga uu weerarku ka dhacay iyagoona wada baaritaano.

Diyaarado nuuca qumaatiga u kaca iyo ciidamo badan oo hubeesan ayaa la geeyay goobta uu weerarku ka dhacay, booliiska ayaana la filayaa in faah faahino dheeraad ah ka bixiyaan weerarkan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kim Jong Un walaashiis oo booqasho Taariikhi ah ku tagtay Magaalada Seoul (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo mar kale hanjabtay & digniin la siiyey Madaxda DF iyo qurba-joogta

Caydiid Ali

Maxay Maamulka Jaamacada Camuud ka yiraahdeen ardaygii caawa laga dilay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---