Xog laga helay Sanduuqa Madow ee Diyaaradii bur burtay ee Ethopian Airlines

Waxaa soo baxaya xogo laga helay baaritaanada horu dhaca ah ee lagu sameenayo shilkii ku yimid Diyaarada  Ethopian Airlines ay ku dhinteen dhamaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay 157-qof.

Dalka Faransiiska ayaa la geeyay Sanduuqa Madow ee diyaarada bur burtay si loogu sameeyo baaritaan casri ah, waxaana baaritaanka shilkan iska kaashanaya khubaro kala duwan .

Xogta laga helay sanduuqa madoow ee diyaaraddii burburtay ee Ethiopian Airlines ayaa muujinaya in ay jiraan isu ekaansho shilkan iyo kii ka horeeyay ee ka dhacay dalka Indonesia.

Shilka ayaa sabab looga dhigayaa in uu ka dhashay  diyaaradda Boeing 737 Max 8 ay tahay mid ciladaysan markeedii horeba, waxaana xogta la helay muujineysaa in ay isku qaab yihiin shilkan cusub iyo kii ka dhacay Indonesia.

Wasiirka Gaadiidka dowlada Itoobiya Dagmawit Moges ayaa laga soo xigtay xogtan laga helay Sanduuqa madow ee Diyaarada bur burtay, waxa ayna Wasiirada sheegtay in warbixinta koobaad ee baaritaanka rasmiga ah soo bixi doonto 30-cisho gudaheeda.

Xogta labada diyaaradood ee bur buray  laga heley ayaa muujinaysa in si aan caadi ahayd ay diyaaradaha marna cirka u galayeen, marna usoo hoobanayeen, taas oo ugu dambeyn sabab u noqotay bur burka diyaarada.

Wadamo badan iyo shirkado ayaa joojiyay isticmaalka diyaarada cusub ee 737 Max 8 kadib shilkii diyaarada Ethopia Airlines , waxaana laga war sugayaa baaritaanka rasmiga ah ee keenay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -