Maxay Maamulka Jaamacada Camuud ka yiraahdeen ardaygii caawa laga dilay?

Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa xaqiijiyay in arday ka mid ah ardayda uu geeriyooday caawa kadib markii uu toogasho ku dilay askari ka mid ah ilaalada Jaamacadda.

Ardaygan oo magaciisa la oran jiray marxuum Ibraahim Salaad Ibraahim ayuu maamulku sheegay inuu ku jiray sannadka labaad ee Jaamacaddaasi uuna wax ka baranayey Kuliyadda Engineering.

Maamulka ayaa xusay in sababta dilka ardayga keentay ay ahayd kadib markii ay is af dhaafeen askariga iyo ardaygu, uuna ardaygu doonayay in uu gudaha jaamacadda galo si uu uga soo qaato telefoon uu ku soo illaabey.

Maamulku waxay beeniyeen wararka sheegaya in ardayga sababta loo dilay ay ahayd inuu calanka Soomaaliya ku lebbisnaa, iyagoo xusay in ardayga iyo askariga dilayba ay ka soo jeedaan bariga Sanaag.

Waxay intaas ku dareen inuu xiran yahay askariga dilka geystay, ayna socoto baaris, iyagoo tacsi u diray ehelada iyo asxaabta uu ka geeriyooday ardaygaas oo ay sheegeen iney ka xun yihiin shilka uu ku dhintay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ardayga loo dilay sabab la xiriirta isagoo ku lebisnaa funaanad buluug ah oo u eg calanka Soomaaliya.

ARDAYGA LA DILAY

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -