Olgan Bekar oo si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Hobyo (Daawo Sawirro)

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa maanta gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxaa Safiirka halkaas ku soo dhoweeyay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi iyo madax kale oo tirsan Galmudug.

Danjire Olgan Bekar ayaa booqday xarumo dhowr ah sidda goobta laga dhisayo Dekedda degmada Hobyo iyo  xarunta maamulka degmada Hobyo.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay doorka ay Turkiga ka qaadan karaan horumarinta magaalooyinka Galmudug, gaar ahaan degmada Hobyo oo ah meel istiraatiiji ah oo leh xeeb laga kaluumeysto iyo Deked

Turkiga oo ah dalka ugu badan xiliga ee taageerada siiya dowlada  Soomaaliya ayaa dalka ka wada mashaariic kala duwan oo horumarin ah halka qaar kalena horey loo dhameystiray kuwaasoo haatan bulshadu ka faaiideysato.

 

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -