Guddi loo saaray baaritaanka iska hor imaadkii Muqdisho ku dhax maray NISA iyo AMISOM (Daawo Sawirro)

Dowlada Soomaaliya ayaa guddi baara u saartay iska hor imaadkii habeenkii Jimcaha agagaarka Isgooska KM- 4 ee magaalada Muqdisho ku dhax maray ciidamo katirsan AMISOM iyo ciidanka Nabad sugida Soomaaliya.

Waxaa maanta Muqdisho kulan looga hadlayay dhacdadii habeenka Jimcaha ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Wasiiru Dowlaha Amniga,Taliyeyaasha Hay’adda Nabad Sugida iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Faransisco Madera ,iyo Taliyaasha Booliska iyo Militariga ee AMISOM.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa kulanka kadib sheegay in Guddi ay u saareen baaritaanka iska hor imaadkii 23kii bishan ka dhacday isgooyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay ka xun yihiin dhacdadan uu ku dhintay askari katirsanaa Ciidanka Nabad sugida Soomaaliya, waxa uuna tacsi u diray ehelada Askarigii ku geeriyooday iska hor imaadkaasi.

Danjire Francisco Madera ayaa isna sheegay in ay ka xun yihiin dhacdada dhimashada sababtay , waxa uuna balan qaaday in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada baaritaanka lagu sameynayo sida ay u dhacday arrintaasi si loo ogaado xaqiiqda jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -