Raisul Wasaare Stefan Löfven oo Shil gaari ku galay Magaalada Stockholm (Daawo Sawirro)

Raisul Wasaaraha dalka Sweden Stefan Löfven ayaa shil ku galay Wadada E4 ee magaalada Stockholm isagoo ku sii socday Magaalada Upsalla.

Gaariga Raisul Wasaaraha ayaa ka baxay wadada E4 waxaana uu ku dhacay biraha loo sameeyay wadada ee loogu tala galay inay gawarida soo celiyaan sida ay faafiyeen warbaahinta dalkaas.

”Wax dhibaato weyn ma dhicin, dhaawacna ima soo gaarin waxaa uu ahaa shil yar laakiin waxaa u sheegi lahaa dadka inay iska ilaaliyaan fogaanta jidka” ayuu yiri Stefan Löfven oo la hadlay wargeyska Aftonplodet.

Wadada E-4 waxaa ka dhacay 24 saac ee ugu dambeeyey dhowr shil oo ay ku dhaawacmeen 3 ruux iyadoo khasaaro iyo burbur uu soo gaartay gaadiid badan.

RW Stefan Löften ayaa ku wajahnaa magaalada Uppsala halkaasoo uu ka jeedin lahaa khudbad la xiriirta ahmiyada uu xisbigiisa siinayo daryeelka Caafimaadka haddii la doorto mar kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -