Allbanaadir.com
NEWS

Faah faahino kasoo baxaya Dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesnaa ayaa xalay xaafada Sar kuusta ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin oday ah oo la sheegay in horjooge ka ahaa kaam barakacayaal oo halkaasi kuyaalay.

Goobjooge ku sugnaa xaafada dilku ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha dilka u geestay ninka odayga ah baxsadeen, waxa uuna xusay in ninka la dilay si weyn looga yaqaanay xaafadaasi.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ninka la dilay uu kamid ahaa ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya soo dooratay, mana jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilkaasi.

Al Shabaab ayaa Muqdisho ku dishay Odayaal iyo dhalinyaro kamid aheyd ergadii gobolada dalka kusoo dooratay Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Kumanaan dollar oo la dul saaray koox ka tirsan Al-shabaab oo weeraro la damacsan Kenya

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor-qoor oo goor dhow soo gaaray Muqdisho iyo Laftagareen oo..

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Masuuliyiinta sare ee Xamaas laga saarayo dalka Qatar?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---